Oslo: Ninkii masaajidka weeraray oo maanta maxkamad kasoo muuqday.

0
150
Foto: Skjermdump/NRK

Philip Manshaus oo ah 21-jirkii sabtidii lasoo dhaafay weerarka ka geystay masaajidka Al Noor ee Bærum, ayaa maanta maxkamada Oslo kasoo muuqday.

21 jirkan ayaa sidoo kale ku eedeysan dil uu u geystay walaashiis 17 sano jir ah, taas oo meydkeeda laga helay gurigii ay ku wada noolaayeen.

Ninkan ayaa ilaa hada diidan inuu wareysi siiyo booliska, isaga oo maanta uu qareenkiisu dalbaday in xabsiga laga sii daayo, ilaa kiiskiisa maxkamad ay ka fariisaneyso.

Philip Manshaus ayaa waxaa wajigiisa ka muuqday nabaro xoogan oo ay u geysteen odoyaashii ka hor istaagay inuu masaajidka dadka ku dilo.

Xigasho/kilde: Philip Manshaus forsvarer sier at hennes klient begjærte seg løslatt under dagens fengslingsmøte.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments