fredag, mars 29, 2024

Norway oo ah dalka sadexaad ee Yurub dadka ugu badan ay u dhintaan adeegsida daroogada.

Dalkan Norway ayaa galay booska sadexaad ee liiska wadamada Yurub kuyaal ee dadka ugu badan ay u dhintaan isticmaalka maandooriyaha daroogada. Waxaana boosaska koowaad iyo labaad ee Norway ka horeeya kujiro wadamada Estonia iyo Sweden.

Liiskan ayaa waxaa laga sameeyay warbixinta sanadlaha ah ee ku saabsan tirokooba dadka adeegsada daroogada ee Yurub kunool.

Sida lagu sheegay warbixinta, halkii Milyan ee qof ee Norwiiji ahba, waxaa sanadkii adeegsida daroogada u dhinto 75 qof, halka Sweden ay u dhitaan 92 qof, Estonia oo ahna wadanka ugu badana ay dhintaan 130 qof.

Machadka cilmibaarista caafimaadka ayaa ka digay in lagu deg-dego adeegsida tirokoobkan, maadaama sababta dhimashada siyaabo kala duwan loo diiwaan galiyo.

Dalka Yurub ay dadka ugu yar ay sanadkii u dhintaan adeegsiga daroogada, ayaa ah dalka Portugal oo sanadkii 2001 adeegsiga daroogada laga dhigay mid sharci daro aan aheyn.

Xigasho/kilde: Norge i toppen blant narkodødsfall i Europa.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x