Labo qof soomaali ah oo ku dhintay shil baabuur oo ka dhacay deegaanka Svolvær.

0
92

Fiidnimadii sabtida, baabuur ay saarnaayeen sadex qof oo soomaali ah ayaa ku dhacay biyaha badda ee deegaanka Svolvær ee woqooyiga dalkan Norway. Waxaana halkaas uu dhaawac kusoo gaaray sadexdii qof ee baabuurka saarnaa, kuwaas oo markii danbe loo duuliyay isbitaalka magaalada Tromsø.

Sida ay NorSom News u xaqiijiyeen masuuliyiinta jaaliyada soomaaliyeed ee deegaanka Vågan, sadexda qof ee baabuurku uu biyaha kula dhacay ayaa kala ahaa, gabar dhalinyaro ah iyo hooyadeed, iyo wiil isna sodomeeyo jir ah oo katirsanaa soomaalida deegaankaas kunool.

Booliska ayaa isla sabtidii xaqiijiyay in mid kamid ah sadexdii qof oo aheyd gabar dhalinyaro ah ay u geeritootay dhaawacii kasoo gaaray shilka.

Isbitaalka magaalada Tromsø ee lagu daaweynayay dhaawaca labada qof ee kale, ayaa saaka sheegay in nin sodomeeyo jir ah uu xaley u geeriyooday dhaawicii shilka baabuurka kasoo gaaray.

Waxeyna sidoo kale sheegeen in xaalada haweeneyda kale ee dhaawaca ah, ay tahay mid wali halis kujirto.

Booliska ayaa warbaahinta u sheegay inay heleen xog ku aadan qaabka ay wax u dhaceen, balse ay wali wadaan baaritaanka dhacdadan. Iyaga oo sheegay inay wareysiyo ka qaadayaan dad ka ag dhawaa goobta uu shilku ka dhacay.

Deegaanka Vågan iyo magaalooyinka yar yar ee hoos taga ayaa waxaa naloo sheegay inay ku kunoolyihiin ilaa 100 qof oo soomaali ah. Waxeyna dhacdadan shilka noqoneysaa tii labaad oo soomaalida deegaankaas ay la kulmaan labo bil gudaheed.

Bishii lasoo dhaafay wiil dhalinyaro soomaali ah ayaa ku haftay biyaha badda, kaas oo markii danbe u geeriyooday dhaawicii kasoo gaaray shilkaas.

Xigasho/kilde: Mann i 30-årene døde etter at en bil kjørte i vannet i Svolvær

Kilde 2: Mann døde etter ulykken i Svolvær

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments