Booliska Norway: Waxaan qaadeynaa talaabo kasta oo lagu xaqiijinayo amaanka maalinta ciida.

0
73
Foto: NRK/SKJERMDUmp

Booliska Norway ayaa war saxaafadeed qoraal ah oo ay xalay saqdii dhexe soo saareen ku sheegay inay qaadayaan talaabo kasta oo lagu xaqiijinayo amaanka maalinta ciida ah oo ku aadan saaka.

Booliska ayaa sheegay inaysan jirin wax cabsi oo laga qabo inuu dhaco fal lamid ah kii shaley ka dhacay masaajidka Bærum, balse waxey sheegeen inay goobjoog ka noqon doonaan goobaha ay ku ciidayaan dadka muslimiinta ah.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix sawirka ama qoraalkan)

Iyaga oo raaciyay in muhiimadu ay tahay in dadka muslimiinta ah ay dareemaan amaan iyo xaalad xasiloon oo ay ku qaataan farxada maalinta ciida.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay xiriir la sameeyeen maamulada masaajida, iyaga oo si hoose oo dhow ula shaqeynayo masaajida, si looga jawaabo wax walba oo soo kordhi kara.

Wasiirka cadaalada Norway ayaa isaga xaley fiidkii sheegay in dowladu ay si buuxdo masuuliyad isaga saari doonto ilaalinta amaanka goobaha ay ku ciidayaan dadka muslimiinta ah.

Xigasho/kilde: Politiet setter inn tiltak i hele landet i forbindelse med eid-feiringen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments