Booliska: Gabadha uu dilay, waxey aheyd 17 jir walaashiis ah oo ay waalidkiis korsadeen.

0
169

Booliska magaalada Oslo ayaa shaley fiidkii sheegay in guriga ninkii masaajidka Bærum soo weeraray ay ka heleen meydka qof dumar ah oo dhalinyaro ah.

Booliska ayaa maanta shir jaraa´id oo ay qabteen ku sheegay in meydka gurigaas ay ka heleen ay noqotay gabar 17 sano jir ah oo walaal ugu aadan ninka masaajidka weeraray. Waxeyna sheegeen in gabadhu ay asal ahaan kasoo jeedo shiinaha, balse uu korsaday, aabana u ahaa waalidka ninka weerarka geystay.

Kala xiriir 45970353 ama booqo webkooda(Riix qoraalkan ama sawirka)

Booliska Ayaan sheegin xiliga uu gabadhaas dilay iyo sababta uu u dilay midna, balse waxaa muuqato inuu dilay waxyar kahor inta uusan masaajidka soo aadin.

Ninkan Norwiijiga ah ayay boolisku sheegeen inuu bar internetka kusoo daabacay qoraal ay ku amaanayo ninkii dadka muslimiinta ah ku xasuuqay New Zealand.

Ninkan ayaa hada ku eedeysan dilka uu u geystay gabadha walaashiis ah, iyo isku deyga dil ee uu masaajidka ka geystay. Waxeyna boolisku sheegeen in dhawaan ay soo taagi doonaan maxkamad, si loogu ogolaado inay xabsiga ku hayaan mudada ay barrista socoto.

Xigasho/kilde: 21-åringen er siktet for drapsforsøk. Han er også siktet for å ha drept sin egen lillesøster (17).

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments