UNE: Soomaalida degenaanshaha codsatay wixii ka horeeyay 2017, waxey xaq u lahaan karaan degenaansho.

0
105

FG: Si Aad u hesho warkan oo dhameystiran, fadlan booqo linkiga hoose oo ah isha xigashada. Hadii aad su´aalo ka qabto warkaas, fadlan la xiriir cida ay khuseyso ama qareeno aqoontooda leh.


Hey´adda soo galootiga UNE oo ah hey´adda looga dacwoodo go´aanada UDI-da, ayaa war kasoo saartay xaalada boqolaal soomaali ah oo ay UDI-du u sheegtay inay dib u qiimeyn ku sameyn doonaan baahidooda magangalyo.

UNE ayaa war ay bogeeda kusoo qoreen jimcihii lasoo dhaafay ku sheegay in Soomaalida buuxisay shuruudaha sharciga degenaanshaha, isla markaana xareeyay codsiga degenaanshaha, wixii ka horeeyay 27-ka bishii Maarso 2017, aysan lumin doonin xuquuqda qoxootiga. Isla markaana ay xaq u leeyihiin inay helaan sharciga degenaanshaha.

Warka UNE ayaa u dhignaa sidan(Hoos ka akhri qoraalkooda oo dhameystiran). (UNE: Somaliere som søkte og fylte vilkårene for permanent oppholdstillatelse før 27. mars 2017, mister ikke sin flyktningstatus ).

(XYS)Shirkada: Hadii Aad baahantahay inaad hesho jawaab la xiriirta sharciyada Norway, waxaad xaq u lahaan kartaa qareen lacag la´aan ah. Nala soo xiriir, si aan su aashaada u ogaano, kaagana jawaabno.


UNE ayaa go´aankan ay ku sharaxayaan qaabka kiisaska noocan ah loo qiimeynayo gaaray, kadib markii ay ka shaqeeyeen cabashada go´aano ay UDI-du ka gaartay dad soomaali ah oo ay ka celiyeen sharciga qoxootiga. Waxeyna sheegeen in go´aankii ugu horeeyay ay gaareen 27-kii Maarso 2017, taariikhdaasna ay tahay mida laga xisaabin karo kiisaska noocan oo kale ah ee khuseeyo soomaalida.

UNE ayaa sidoo kale sheegtay in caadi ahaan dhaqanka hey´addaha soo galootigu uu ahaa in dadka shuruudaha degenaanshaha buuxiyay taariikhda uu codsanayo, ay xaq u leeyihiin inay helaan degenaanshaha.

«Langvarig praksis er at utlendinger som søker om permanent oppholdstillatelse vil kunne ha rett til dette, hvis de fyller alle vilkårene på søknadstidspunktet.»


Hey´adda ayaa isla qoraalkooda ku sheegay in soomaalida ugu badan ee UDI-du ay dib u qiimeynta ku sameyneysay baahidooda magangalyo, ay shuruudaha degenaanshaha buuxiyeen taariikhdaas(27-ka Maarso 2017). Taas oo ka dhigan in inta badan dadkii ay ku wargaliyeen inay dib u qiimeynayaan baahidooda qoxootinimo, ay xaq u leeyihiin inay helaan degenaansho.

UNE ayaa go´aanka ay gaareen u diray wasaarada cadaalada iyo waliba hey´adda UDI-da.


Xigasho/kilde: Halkan kasii akhri warkan: Somaliere som søkte og fylte vilkårene for permanent oppholdstillatelse før 27. mars 2017, mister ikke sin flyktningstatus

Halkana ka akhri Waraaqda ay UNE u dirtay wasaarada Cadaalada iyo UDI-d, ayna ugu sharaxeyso go´aanka ay gaareen.



Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments