UK oo yeelatay Reysulwasaare meelo badan uga eg Donald Trump.

0
90
Borris Johnson: Reysulwasaaraha UK Foto: BBC-SOMALI

Wasiirkii hore ee arrimaha dibadda dalka Ingiriiska, Boris Johnson ayaa saacad kahor loo doortay Reysulwasaaraha cusub ee dalweynaha UK, isaga oo badali doono Theresa May oo isbuucyo kahor iscasishay.

Boris Johnson ayaa kamid ahaa xubnihii dabada ka riixiyay ololihii dalka Ingiriiska looga saaray midowga Yurub, wuxuuna kamid ahaa siyaasiyiinta muuqata ee sida aadka ah uga soo horjeeday kasii mid noqoshada UK ee EU.

XYS: Shirkada: Sharcigu xaqiisa ma siiyo, qofkii aamusa, nala soo xiriir, si aan kiiskaaga u maqalno, talana kaaga siino: 45970350 ama riix sawirka.

Wuxuuna sidoo kale isbaaro u dhigtay heshiisyadii ka bixintaanka EU-da oo ay soo bandhigtay reysulwasaarihii isaga ka horeysay ee Thera May.

Boris ayaa hada la wareegi doono isbaarooyinkii uu u dhigyay Therasa May, wuxuuna balanqaaday in dhamaadka bisha October uu Ingiriisku kama danbeyn ka bixi doono EU-da, heshiis iyo heshiis la´aanba.

Midigta Fog oo aan Caq badneyn, beena badana:

Falanqeeyayaasha siyaasada ayaa Boris ku tilmaamay nin aan fikirkiisa meel fog ku waajahneyn, aana aheyn nin tankiisa caqliyeed uus xamili karo dhibaatada hortaala dalweynaha uu hogaanka u qabtay. Waxaana dhowr mar lagu qabsaday hadalo been abuur ah oo uu warbaahinta ka sheegay, sidoo kale kuwa oo ka leexiyay micnahoodii dhabta ahaa.

Borris ayaa sanadkii hore Haweenka muslimiinta ah ee xijaabka xiran ku tilmaamay inay u egyihiin sanduuqa boostada, isaga oo markaas ahaa wasiirka arrimaha dibadda Ingiriiska.

Madaxweynaha dalka Mareykanka ayaa dhowr mar oo hore si bareer cad ah u taageeray Borris, isaga oo ku dhiirigaliyay baarlamaanka UK inay doortaan.

Borris ayaa dhankiisa sheegay inuu taageero niyada ah u hayo madaxweynaha dalka Mareykanka Donald Trump.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments