Trump oo Ilhaan iyo saaxiibadeed ka codsaday inay dalalkoodii ku noqdaan, dhistaana.

0
163

Madaxweynaha Mareykankan Donald Trump Ayaa mar kale shaley dood ka abuuray baraha bulshada iyo warbaahinta caalamka. Kadib markii uu haweenka ajnabiga ah ee ku jiro xisbiga Dimuqraadiga uu ka codsaday inay ku noqdaan dalalkii ay asal ahaan kasoo jeedeen.

XYS: Shirkada: Hadii Aad baahantahay inaad hesho jawaab la xiriirta sharciyada Norway, waxaad xaq u lahaan kartaa qareen lacag la´aan ah. Nala soo xiriir, si aan su aashaada u ogaano, kaagana jawaabno.

Trump ayaa sadex qoraal oo uu bartiisa Twitterka kusoo qoray haweenkaas ku sheegay inay ka yimaadeen dalalka ugu musuqmaasuqa badan, uga dowladaha xun aduunka, hadana ay rabaan in dadka Mareykanka ay u sheegeen qaabkii ay u dhaqmi lahaayeen, una maamuli lahaayeen dowladooda.

Trump ayaa qoraaladiisa ku sheegay:

«Waa wax xiiso badan in la arko ‘horumarka ay gaareen’ haweenka Congress-ka ee xisbiga Dimuqraaddiga, kuwaasoo markoodii hore ka yimid dalal ay dowladahoodu gabi ahaanba burbursan yihiin, qalalaasena ku jiraan. Midda ugu sii xunna, ah waddamada ugu musuqmaasuqa badan adduunka oo dhan(xitaa haddiiba ay shaqeeyaan), haddana waxay cod dheer dumarka noocaas ah ugu sheegayaan dadka Mareykanka, oo ah dowladda ugu awoodda badan adduunka, sida wax loo maamulo. 

«Maxay dib ugu laaban la’yihiin dalalkooda, si ay uga caawiyaan dib u dhiska dowladahooda burbursan iyo dalalkooda ay dambiyada ka dhacayaan. Kaddibna hanoo soo laabtaan oo hanoo sheegaan sida ay usoo hirgaliyeen».

«Meelahaas ayaa aad garab idiinkaga baahan, si dhakhso ah kuma bixi kartaan. Waan hubaa inay Nancy Pelosi(hogaamiyaha aqlabiyada baarlamaanka Mareykanka) aad ugu farxi doonto inay si deg deg ah u diyaariso qorsheyaal safarro oo bilaash ah».

Dadka adeegsada baraha xiriirka bulshada ayaa si weyn ugu dhaliilay madaxweynaha inuu xad gudub bani’aadannimo ku sameeyay muwaadiniin Mareykan ah, waxaana arrintan ay dad badan u arkaan dab xoog leh oo ku shidmay maamulka hoggaamiyaha Mareykanka.

Siyaasiyiin badan iyo kuwo ka tirsan xisbiga Dimuqraaddiga oo ay ka mid tahay afhayeenka aqalka wakiillada Nancy Pelosi ayaa tallaabadaan ku cambaareeyay madaxweynaha.

Saddex ka mid ah afarta Haweenka oo Trump heysto(Alexandria Ocasio-Cortez, Rashida Tlaib iyo Ayanna Pressley) ayaa ku dhashay kuna barbaaray Mareykanka, halka Ilhaan Cumar ay iyadoo yar tagtay Mareykanka.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments