Sweden: Salaad looma bixi karo xiliyada shaqada.

0
82

Guddiga Sinnaanta iyo ka hortaga fuquuqa la xiriira diimaha iyo jinsiyada, ayaa dabagal ku bilaabay go’aan kasoo fuley Golaha Degaanka ee degmada Bromölla ee dalka Sweden, kuwaas oo dadka ka mamnuucay inay goobta shaqada lagu dukado saacadaha shaqada.

Golaha deegaanka ayaa ku doodayo in ay arrintan khuseeyso qof kasta oo aan qolo gaar ah loola bareerin, hadana Clas Lundstedt, oo ah ninka warfaafinta ugu qaybsan guddigan ayaa arrintan ku tilmaamay cunsuriyad maldahan oo ka dhan ah dad gaar ah.

Shirkada: Hadii dhaqaalaha kusoo gala sanadkii uu ka yaryahay 240.000, waxaad xaq u leedahay qareen bilaash ah. Nala soo xiriir.

Go’aankan ayaa bishii Maajo kasoo baxay Golaha Degaanka.

Bromölla ayaa ah demo yar oo ay ku xooggan yihiin xisbiga soo galooti diidka ah ee SD.

Go’aankan xilliga shaqada salaadda ka mamnuucaya dadka degmadaasi oo ka tirsan gobolka Skåne ayaa cambaarayn kala kulmay Muslimiinta iyo Masiixiyiinta halkaa ku wada nool, maadaama uu dastuurka Sweden fasaxayo xorriyadda diimaha.

Marii Nurmi, oo ka shaqeeysa qaybta luuqadda ee iskuullada carruurta ee degmada Bromölla ayaa sheegtay in golaha degaanku uu go’aankan ku talax tegey.

– Sweden waxaan leenahay xorriyadda diinta mana aha inay inta siyaasiyiintu soo galaan ay iska mamnuucaan in xilliga shaqada salad la dukado. Runtii arrintani way I saamaynaysaa, ayay tiri.

Xigasho/kilde: SverigesRadio-Laanta afka soomaaliga.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments