Oslo: Taksiile jihada qaldan baabuurka ugu waday «Tunnel» oo boolisku ay leysinka ka qaadeen.

0
91

Booliska magaalada Oslo ayaa bartooda Twitterka kusoo qoray inay saaka gacanta ku dhigeen taksiile baabuurka jihada qaldan ee «Operatunnelen» ugu waday in mudo ah, kahor inta aan baabuurleyda kale sixin, dibna loogu soo celin jihada saxda ah.

Taksiilahan ayaa booliska u sheegay inuu dib ugu noqday jihada uu ka yimid ee «Tunnelka», si uu wadada uga fiirsado Mobil uu maleynayay inuu ka lumay.

Booliska ayaa sheegay inay taksiilahan meesha uga qaadeen leysinka baabuur wadista. Sidoo kale mobilkii uu raadinayay ay ka heleen gudaha baabuurka.

Nala soo xiriir: Waxaa noo shaqeeyo turjumaano Soomaali ah.
Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments