Oslo: Dhac maanta barqadii loo geystay dukaan dahabka lagu iibiyo.

0
154

Dukaan dahabka lagu iibiyo oo kuyaal bartamaha Oslo, ayaa waxaa maanta loo geystay dhac, iyada oo dukaanka dhexdiisa laga maqlayay xabado, sida ay tabiyeen dad goob joog ahaa.

Goobjoogayaasha ayaa sidoo kale sheegay inay arkeen labo qof oo ka baxsanaya dukaanka dhaca loo geystay.

Kala xiriir 45970350 ama booqo webkooda(Riix sawirka).

Booliska ayaa saacad kadib sheegay inay qabteen labo qof oo loo tirinayo inay ka danbeeyeen falka dhaca ah, inkasta oo aysan sheegin tirada dahabka la qaatay iyo in lagu guuleystay soo celintiisa.

Booliska ayaa sidoo kale sheegay inay jirin qasaare nafeed ama jir ahaaneed oo uu sababay falkan dhaca ah. Waxeyna sheegeen inay wali baaritaan ku hayaan goobta uu falku ka dhacay, iyo goobta labada qof laga soo qabtay.

Xigasho/kilde: Ran av gullsmed i Oslo – avfyrte skudd i butikken.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments