Norway oo wali ka digeysa u safarka Soomaaliya

0
198
Reysulwasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Kheyre iyo wasiirka Arimaha dibadda Norway, Inne Ireksen.

Waxaa isbuucii tagay bilowday fasaxa rasmiga ah ee xagaaga, iyada oo dad badan oo ay xiligan u xir-xiranayaan qaadashada fasax wadanka dibadiisa ah.

Qeybta Wasaarada arrimaha dibadda Norway u qaabilsan macluumaadka safarada, ayaa leh bog ay kusoo bandhigto macluumaadka dalalka loo safri karo iyo kuwa ay halista dadka uga imaan karto.

Shirkada: Nala soo xiriir, waxaa noo shaqeeyo shaqaale soomaali ah.

Waxaana bogaas xiligan laga heli karma warbixinada 46 dal oo ay Soomaaliya kamid tahay.

Ha u safrin Soomaaliya:

Wasaarada arrimaha dibadda Norway ayaa ilaa sanadkii 2017, muwaadiniinta u dhashay Norway uga digeysay inay u safraan koonfurta iyo bartammaha Soomaaliya. Iyada oo kuwa ku sugan hada Koonfurta iyo bartammaha Soomaaliya, ku boorineyso inay isaga baxaan, ayna soo wargaliyaan safaarada ugu dhow, si xaaladooda looga warqabo.

Sidoo kale akhri: Norway: Soomaaliya waxaa laga dareemayaa xasilooni iyo horumar.

Waxeyna wasaaradu arintaas ku sababeysay xaalada amaan ee deegaamadaas oo aad u hooseyso, dadka u dhasheyna Norweyna ay «target» u noqon karaan kooxda al Shabaab.

Somaliland iyo Puntland ayay wasaaradu sheegeysaa in amaan ahaan ay ka fiicanyihiin gobolada koonfurta iyo bartammaha, balse waxey wali uga digeysaa dadka inay goboladaas u safraan, hadii ay jirin sabab lagama maarmaan ah.

Kala hadalka Norway ee amaanka Soomaaliya:

Inkasta oo wasaarada arimmaha Norway ay ka digeyso in muwaadiniinta u dhashay wadankeeda ay u safraan Soomaaliya, sababo amni dartood, hadana waxey soomaali badan ku wargalisay inaysan magangalyo u baahneyn sababo la xiriira amaanka Soomaaliya oo soo fiicnaaday.

Norway ayaa sheeganeyso in amaanka qofka soomaaliga ah iyo kan qofka cadaanka Norwiijiga ah, aan isku mid loo qiimeyn karin marka la joogo Soomaaliya.

Halkan kasii akhri: Utenriks: Reiseinformasjon-Somalia

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments