Norway: Maxkamada sare oo aqbashay dhageysiga kiiska hooyo soomaali ah iyo UDI-da.

0
124
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Gudiga racfaanka maxkamada sare ee Norway ayaa aqbalay dhageysiga kiis ka dhaxeeyo dowlada Norway iyo hooyo soomaali ah.

Kiiska ka dhaxeeyo Yasmin Kristensen oo ah hooyada afar caruur ah iyo dowlada Norway ayaa soo jiitamayay mudo 4 sano ah, wuxuuna hada gali doonaa wareegii sadexaad, maadaama maxkamada sare aqbashay dhageysiga racfaanka dowlada ee kiiskan.

Shirkada: Waxaan ku siin doonaa saacad dhageysi ah, waxaana noo shaqeeyo turjumaano soomaali ah.

Soomaaliya-Jabuuti.

Hooyadan soomaalida ah ayaa iyada aad u dhalinyar soo gashay Norway, waxeyna sheegatay, magangalyana ku heshay inay kasoo jeedo Soomaaliya. Balse waxaa xili danbe ay hey´addaha socdaalku ogaadeen, in Yaasmiin ay asal ahaan u dhalatay dalka Jabuuti ee Soomaaliya dariska la ah.

Dowlada Norway ayaa sharciga dhalashada ka ceshetay Yaasmiin, waxeyna ku armeen inay mudo ku meel gaar ah dalka ka baxdo.

Maxkamada Racfaanka

Maxkamada racfaanka ee dajada labaad ayaa sadex bilood nahor kiiska u xukmisay Yaasmiin, waxeyna maxkamadu ogolaatay in hooyadan soomaalida ah ay sii sii wadato nolosheeda Norway, ayna la joogto caruurteeda.

Halkan kasii akhri: Hooyo soomaali ah oo dowlada Norway kiis kaga guuleysatay maxkamada racfaanka.

Qareenada dowlada ayaa racfaan ka qaatay go´aanka maxkamada racfaanja ee darajada labaad, waxeyna codsi ku saabsan dhageysiga dacwada kiiskan u gudbiyeen maxkamada sare ee Norway.

Maxkamada sare ayaa hada ogolaatay inay dhageysato kiiskan oo hada gali doonaa wareegii sadexaad. Maxkamada sare ayaa ah mida sharci ahaan ugu sareyso, uguna awooda badan Norway, waxeyna go´aanada ay gaarto noqdaan kuwo masiiri ah oo waara.

Ogolaanshaha maxkamada sare ee dhageysiga kiiskan ayaa ah mid dad badan oo sharci yaqaano ah aad uga yaabiyay, maadaama dacwadaha racfaanka ee u gudba maxkamada sare ay aad u koobanyihiin.

Sida uu qoray wargeyska lokalka ah ee Lister, Hooyadan soomaalida ah iyo qoyskeeda ayaa hadana mar kale isku diyaarin doono dhageysiga dacwadan oo qaadan karto mudo sanad iyo ka badan ah.

Xigasho/kilde: Lister

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments