Iran oo qabsatay markab laga leeyahay Sweden.

0
151
Markabka laga leeyahay Iran

Ilaalada xeebaha dalka Iran ayaa gacanta ku dhigay markab saliid wada oo laga leeyahay dalka Sweden, balse ka diiwaan gashan dalka Ingiriiska.

Iran ayaa markii hore sheegtay in markabkaas uu ku dhacay doon laga leeyahay dalka Iran, ayna soo baari doonaan dhacdadaas. Balse afhayeen u hadlay ciidanka ilaalilada jumhuuriyada Iran ayaa sheegay in qabashada markabkaas uu jawaab u yahay markab ay dowlada Ingiriisku horey uga qabatay Iran.

Dowlada Ingiriiska iyo dowlada midowga Yurub ayaa codsaday in markabkaas iyo shaqaalaha saaranba si deg-deg ah loo sii daayo.

Xigasho/kilde: Svenskeid tanker beslaglagt i Hormuzstredet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments