Dowlada: Aqoonta soo galootiga halugu qiimeeyo luuqad aan Norwiiji aheyn.

0
97
Wasiirka waxbarashada iyo isdhexgalka Norway: Jan Tore Sanner Foto: Wikipedia

Sida lagu sheegay war kasoo baxay wasaarada isdhexgalka iyo waxbarashada Norway, dowlada ayaa rabta in aqoonta iyo khibrad-aqooneedka dadka soo galootiga ah lagu qiimeeyo luuqad aan Norwiiji aheyn.

Arintan ayaa looga dan leeyahay in dadka soo galootiga ah loo fududeeyo inay cadeeyaan(document-gareeyaan) aqoontooda shaqsiyeed, si ay ugu fududeeyo helista shaqo cusub ama ay waxbarashadoodii usii wataan.

Dad badan oo Norway ku cusub ayaa waxaa dhibaato ku ahaa in sharciga Norway uu dhigayo in aqoonta qofka lagu qiimeeyo labo luuqadood oo kali ah, Luuqadaha Norwiijiga iyo Samiskiga(samisk).

XYS: Shirkada: Dhibaato xaga sharciga ah maku qabtaa Barnevernka, UDI-da, ama hey´addaha kale ee dowlada sida NAV. Nala soo xiriir, waxaad xaq u nahaan kartaa qareen lacag la aan ah.

Dowlada ayaa war saxaafadeedkan ku sheegtay inay rabto in sharcigaas wax laga badalo, si qofka soo galootiga ah ay ugu fududaato in aqoontii uu kala yimid dalkiisii hooyo, uu Norway ku adeegsado.

Dowlada ayaa gobolada qaarkood si tijaabo ah horey ugu ogolaatay in aqoonta qofka soo galootiga ah lagu qiimeeyo luuqad aan Norwiiji aheyn.

Midtgarden Remen oo wasaarada waxbarashada katirsan ayaa sheegtay, si loogu guuleysto isdhexgalka bulshada, waxaa muhiim ah in qofka soo galootiga ah uu aqoontiisa uu wadanka la yimid, uu adeegsan karo.

Dad badan oo soo galooti ah ayaa aqoon iyo khibrad fiican fiican leh, laakiin aan ku fiicneyn luuuqada Norwiijiga. Waxeyna taas dib u dhigeysaa adeegsida aqoontooda, ilaa ay Norwiijiga si fiican ka baranayaan.

Arintaas ayay dowlada hada u muuqataa inay rabto in sharciga loo badalo, si dadkaas loogu fududeeyo adeegsida aqoontooda.

Xigasho/kilde: Regjeringen vil gjøre det enklere for innvandrere å vise hva de kan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments