Denmark/Sweden: Booliska oo sadex qof u qabtay dilka wiilal soomaali ah.

0
72

Sida ay shaley booliska Denmark oo la shaqeynayo kuwa Sweden xaqiijiyeen, waxaa lasoo qabtay sadex qof oo la xiriirinayo dilka wiilal Soomaali-Swedish ah oo 25-ka bishii Juni ka dhacay duleedka magaalada Copenhagen.

Sadexda qof ee boolisku ay qabteen ayaa da´ahaan u dhaxeeyo 17 ilaa 19 sano, waxeyna dhamaantood wada heystaan dhalashada dalka Sweden. Waxeyna boolisku wali aaminsanyihiin inay jiraan dad kale oo arintan xiriir la leh, walina aan lagu guuleysan in lasoo qabto.

Booliska Sweden iyo kuwa Denmark ayaa horey u xaqiijiyay in falka dilka ee loo geystay wiilashada Soomaalida ah uu xiriir la leeyahay dagaalka ka dhaxeeyo kooxaha gangiska ah ee ku dagaalama magaalooyinka Sweden.

Xigasho/kilde: Tre teenagere anholdt i sag om dobbeltdrab i Herlev: ‘Flere kan være på fri fod’

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments