fredag, mars 29, 2024

Norway: Xisbiga yar ee MDG oo ka taageero batay Frp

Cod uruurin qiyaas ah oo la sameeyay, ayaa muujineyso in xisbiga MDG uu ka taageero batay xisbiga Frp. Waxeyna mar kale muujineysaa in xisbiga Frp uu lumiyay taageerayaal badan oo uu horey u heystay.

Frp ayaa hoos u dhacay 0,5%, waxeyna heleen 7,2% codadka la qaaday. Halka MDG uu helay 9,2 % codadka la qaaday, isaga oo kor u kacay taageero ahaan 2,8%.

Xisbiga Ap ayaa wali ah xisbiga u taageero badan Norway, halka uu kusoo xigo xisbiga Høyre. Inkasta oo labaduba ay ku imaadeen hoos u dhac kooban oo xaga taageerada ah.

Xisbiga ay ku midoobeen dadka kasoo horjeedo jidgooyooyinka lacagta(BOM), ayaa isna codbixinta la qaaday ka helay 4,8.

Xigasho/kilde: ABC-Nyheter: Frp under MDG på ny måling

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x