fredag, mars 29, 2024

Xaaska Madaxweyne ku xigeenka Imaaraadka oo Germany iska soo dhiibtay

Sida ay qortay warbaahinta The Daily Beast, Xaaska Madaxweyne ku xigeenka dalka Imaaraadka Carabta, ahna Ra’isulwasaaraha iyo Xaakimka Dubai Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al-makhtuum ayaa la baxsatay lacag Malaayiin Dollar ah.

Marwadaan oo lagu magacaabo Amiir Haya Bintu Xuseen oo ay isku aabe yihiin Boqorka dalka Urdun, Cabdalla Xuseen Bin Dalaala ayaa la sheegay inay la baxsatay lacag 40 Malyan oo Dollar.

Amiirad Haya Bintu Xuseen ayaa la sheegay inay horey usii wadatay laba carruur oo ay u dhashay  Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al-makhtuum waxayna iska dhiibtay dalka Germany.

Labada carruur oo ay Amiiradaan la baxsatay ayaa kala ahaa wiil 7 jir ah iyo gabar jiray 11 jir, waxayna magangalyo waydiisatay Dalka Jarmalka.

Amiir Haya Bintu Xuseen ayaa laga soo wariyey inay sheegtay inay dooneyso abuuritaanka nolol iyo jawi ka duwan midkii ay horey ugu jirtay sida ay qortay warbaahinta The Daily Beast.

Haweeneydaasi oo markii ugu war dambaysay bishii hore lagu arkay  meel Fagaare dadweyne, ayaa la sheegay inay Jarmalka ka codsatay Magangelyo, lana oggolaaday codsigeeda.

Amiir Haya Bintu Xuseen ayaa diiday codsi kaga yimid  seygeeda Sheekh Maxamed Bin Rashiid Al-makhtuum oo ka codsaday inay dib ugu soo laabtaan iyada iyo ilmaha ay u dhashay.

Sida ay qortay warbaahinta The Daily Beast arrintaan ayaa waxaa laga yaabaa inay abuurto xiisad diplomaasiyadeed oo dhexeyso dalalka Imaaraadka Carabta iyo Jarmalka.

Amiirada ayaa la sheegay inay hadda ku dhuumaneyso qeybo kamid ah Caasimadda Dalka Ingiriiska ee London, iyadoo hawada ka saartay dhammaan barihii bulshada oo ay isticmaali jirtay.

Sida ay qoreyso warbaahinta, baxsashada amiiradaan ayaa la sheegay inay sabab u tahay,  markii uu seygeeda oo ay is guursadeen 15 sano ah uu diiday inuu furo inkastoo aan la ogeyn waxa  uu ka dhashay khilaafka labada lamaane.

Xigasho/kilde: Caasimada

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x