Dhalinyaro: Waxaan ka cabsaneynaa in dibadda nalooga soo tago fasaxa xagaaga.

0
101

Sida lagu sheegay warbixin lagu soo daabacay bogga utdanningsnytt, dhalinyaro badan oo ajaaniib ah ayaa isbuucyadii ugu danbeeyay lasoo xiriiray talo-bixiyayaasha iskuulada ay dhigtaan, iyaga oo ka cabsi qaba in fasaxa xagaaga, wadanka dibadiisa la geeyo, loogana soo tago.

Iyada oo uu soo dhowyahay fasaxa xagaaga, iskuuladuna ay xiranyihiin, ayay dhalinyaradan sheegeen inay ka baqayaan waxa dhici kara inta lagu jiro fasaxa xagaaga.

Sida lagu sheegay rapport laga diyaariyay curuurta wadanka dibadiisa looga tago(Kompetanseteamet mot tvangsekteskap, kjønnslemlestelse og negativ sosial kontroll) waxaa sanadkii tagay dowlada lagu soo wargaliyay ilaa  279 kiis oo la xiriira caruur wadanka dibadiisa ay waalidkood uga soo tageen.

50% Caruurta dowlada lasoo xiriiray, kuna wargaliyay in waalidkood ay kasoo tageen, ayaa kasoo jeedo Soomaaliya, sida lagu sheegay rapportka laga diyaariyay arintan.

Dowlada ayaa sanadkan sheegtay inay sameysay gudi farsamo oo dowlada talo ka siiya, qaabkii arintan looga hortagi lahaa. Waalidkana wacyi galin loogu sameyn lahaa.

Sidoo kale dowlada ayaa soo jeedisay in la ciqaabo, ama lacagaha taageerada dhaqaale laga jaro waalidka ilmihiisa uga soo tago wadan dibadda, iyada oo uu ilmuhu uusan raali ka aheyn.

Xigasho/kilde: Utdanningsnytt.no: Unge elever frykter å bli etterlatt i utlandet.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments