DFS: Waxaan Ciraaq kasoo qaadeynaa, gabdho Daacish ku biiray iyo caruurtooda.

0
139
Cali Siciid Fiqi: Safiirka Soomaaliya ee EU-da.

Danjiraha dowladda Federalka Soomaaliya ee Midowga Yurub, Cali Siciid Fiqi, ayaa sheegay dowladda Somaliya inay qorsheynayso dalka inay dib ugu soo celiso gabdho Somaliyed oo ku dhibaateysan dalka Ciraaq.

Cali Siciid Fiqi ayaa sheegay gabdhahaasi oo ku dhibaateysan Ciraaq qaybta Kurdiyiinta, ayna la joogaan inay ilmo ka dhaleen xubno Daacish ka tirsan.

Waxa uu sheegay si gabdhahaasi loo soo celiyo dowladda Somaliya inay wado dadaalo ku aadan sida dalka dib loogu soo celin lahaay gabdhahaasi.

«Dowladda Somaliya waxa ay ka shaqeynaysaa gabdho Somaliyed oo carruur leh oo ku dhibaateysan dalka Ciraaq qaybta Kurdida, gabdhahaas oo markii hore maskaxdooda la qalday oo argagixisada ay qaldeen carruur badana meesha ku dhaleen, wadamadii ay ka tageena ay diidan yihiin, waxa ay dowladda somaliya go,aansatay inay dalka dib ugu soo celiso.»Ayuu yiri Danjire Cali Siciid Fiqi.

Hadalkaan ayaa Danjiraha wuxuu ka sheegay xuska Maalinta Qaxootiga Adduunka oo lagu qabtay Muqdisho.

Gabdho soomaali ah oo badan oo ka tagay wadamada galbeedka Yurub, ayaa sidoo kale kamid ah boqolaalka dumarka ah ee kunool xeryaha qoxootiga ee dalka Siiriya, kadib markii laga adkaaday kooxda Daacish oo ay ku hoos noolaayeen. Qaarkoodna waxeyn ilmo u dhaleen xubno Daacish katirsanaa.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments