Bergen: Haweenay gabar soomaali ah cunsuriyeysay oo xabsi lagu xukumay.

0
89
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Maxkamada Racfaanka Gulating ayaa haweenay 70 sano jir ah ku xukuntay 14 maalmood oo xabsi ah, kadib markii lagu helay fal danbiyeed la xiriira hadal naceyb ah oo ay barta Facebooga ugu qortay Sumaya Jirde Cali.

Haweeneyadan da´da ah oo qoraal ay Facebooga «commenti» uga dhiibatay Sumaya, ayaa waxey ku ka qortay ereyo aflagaado ah oo ay ku beegsaneyso asalka gabadhan soomaalida ah. Iyada oo ka codsatay inay ku noqoto meeshii ay ka timid asal ahaan.

Xukunkan ayaa noqonayo kii labaad oo kiiskan la xiriira, oo ay haweeneydan la kulanto. Maadaama maxkamada hoose ay markii hore ku xukuntay mudo xabsiyeed ay shuruud ku xirantahay(Betinget fengsel) iyo ganaax. Balse qareenkeeda ayaa racfaan ka qaatay xukunkaas, iyada oo maxkamada racfaanka ay mar kale xukunka u sii kordhisay haweeneydan, oo hada lagu xukumay 14 maalmood oo xabsi ah.

Sumaya Jirde Cali ayaa ah «aktiviste», qoraa iyo gabyaa dhalinyaro soomaali ah, waxeyna aad wax ugu qortaa warbaahinta dalkan Norway. Sumaya ayaa horey ugu guuleystay dhowr biladood oo ay ku muteysatay dhiirinaanta qoraaladeeda iyo mowduucyada muhiimka ah oo ay banaanka keento.

Haweeneyda la xukumay ayaa qiil ka dhigatay in Sumaya ay tahay qof bulshada ka dhex muuqato, sidaas darteedna ay muhiim tahay inay u adkeysato dhaleeceynta dadka ka fikirka duwan. Balse maxkamada ayaan qiilkaas ogolaan, waxaana hadalkeeda loo fasirtay hadal naceyb ah.

Qareenka haweeneydan ayaa sheegay inuu mar kale racfaan ka qaadan doono xukunkan, uuna kiiskan usii gudbin doono maxkamada racfaanka.

Xigasho/kilde: Bergensavisen.no: Kalte Jirde Ali «kakerlakk», nå må kvinnen (70) i fengsel

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments