Xildh. Zakariye Xaaji: Waxaan codsaneynaa in Mahad Abiib la siiyo baasaboorka soomaaliga ah.

0
143

Mahad .Abiib oo ah soomaali ay horey dowlada Norway uga ceshatay dhalashada, ayaa dhawaan sheegay in loo diiday helista baasaboorka soomaaliga ah.

Abiib oo hada ku sugan Belgiumka ayaa sheegay in bishii January ee sanadkan, uu codsaday baasaboorka soomaaliga ah, walina uusan jawaab ka helin. Isaga oo raaciyay in shaqaalaha safaarada soomaalidu ay ku wargaliyeen in kiiskiisa laga heysto magaalada Mudisho oo xarun u ah dowlada Soomaaliya.

Zakariye Xaaji: Mahad hala siiyo baasaboorka.

Zakariye Xaaji oo kamid ah xubnaha golaha shacabka Soomaaliya, ayaa xubnaha golaha shacabka ka codsaday in la meelmariyo arin baasaboorka soomaaliga ah lagu siinayo Mahad Abiib.

Zakariye oo gudbiyay saxiixa xildhibaano la qabo fikirkaaga ayaa sheegay in Abiib oo ku xayiran Yurub, ay tahay inuu helo baasaboorka soomaaliga ah, si uu ugu safri karo.

Xildhibaan Zakariye ayaa kamid ahaa dadkii markhaatiga ka ahaa dhageysiga dacwada racfaanka ee dhexmareysay Mahad Abiib iyo dowlada Norway.

Xigasho/kilde: Dalsoor

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments