Norway: Wasiir hore oo ku eedeysan kufsi uu u geystay wiilal dhalinyaro soo galooti ah

0
119
Wasiirka eedeysane ah

Wasiirkii hore ee kaluumeysiga Norway, ahaana gudoomiyaha gobolka Nord-Troms, Svein Ludvigsen, ayaa 11-ka bisha Juni lasoo taagi doonaa maxkamad. Isaga ku eedeysan galmo uu la sameeyay sadex wiilal dhalinyaro magangalyo doon ah.

Svein Ludvigsen ayaa ku eedeysan inuu ka faa´iideystay booskiisa shaqo, si uu galmo ula sameeyo wiilashan dhalinyarada ee xiligaas magangalyo doonka ahaa. Isaga oo u sheegay inuu siin karo ama ka qaadi karo sharciga dhalashada dalkan Norway, sidaasna ay ugu suurtogashay inuu ula galmoodo.

Sida lagu sheegay eedeynta qareenka dowlada, falalkan galmada ah ee uu ninkan la sameeyay wiilasha dhalinyarada magangalyo doonka ah ayaa dhacay intii u dhaxeysay 2011 ilaa 20117.

Isku dar waxaa dhageysiga dacwada kiiska ka dhanka ah wasiirkii hore ee kaluumeysiga, kasoo qeybgali doono 33 qof. Waxeyna dhageysiga dacwadu socon doontaa ilaa 10 maalmood.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments