Norway: Siv Jensen oo dalbatay shir aan «Caadi aheyn» oo ku saabsan lacagta Bom-ka.

0
163
Gudoomiyaha FRP: Siv Jensen

Wasiirada maaliyada Norway, Siv Jensen ayaa xubnaha katirsan dowladeeda ka dalbatay shir «aan caadi aheyn» oo looga hadlayo lacagta jidgooyada sharciyeysan ee loo yaqaan » Bom».

Isbuucyadii ugu danbeeyay, waxaa magaalooyinka waaweyn lagu soo kordhiyay jidgooyooyin dhowr ah, kuwaas oo caro xoogan ku dhaliyay dadka baabuurta wato.

Siv Jensen ayaa rabta in dowlada dhexe iyo degmooyinka ay meelmariyaan lacag dheeri ah oo lagu qancinayo baabuurleyda.

Wasiirada maaliyada ayaa sheegtay inay kulan gaar ah ka dalbatay madaxda afarta xisbi ee katirsan xukuumada wadaaga ah ee Erna Solberg. Kulankaas oo ay sheegtay in looga hadlayo cabashada baabuurleyda ee lacagta «Bomka».

Jensen ayaa sheegtay in la joogo xiligii wax la is weydiin lahaa lacagta baabuurleyda ay ku bixiyaan Bom-ka, ayna tahay in la dhageysto cabashada dadka.

Xisbiga Jensen ee Frp oo doorashooyinkii hore ku galay inay dhimi doonaan tirada Bom-ka, ayaa intii ay xukunka hayaan waxaa tiro ahaan aad usoo batay da Bomka-, iyada oo sidoo kale ay kor u kacday lacagta.

Magaaloyinka waaweyn, waxaa aad ugu soo badanaya is uruursiga dadka kasoo horjeedo arintan, iyada oo xisbiga Frp uu lumiyay taageerayaal aad u badan bilihii ugu danbeeyay.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments