Norway: Barnaamij soo jeediye British ah oo sawir qaldan Ka bixisay soomaalida Oslo.

0
96

Labadii maalin ee ugu danbeeyay, waxaa baraha bulshada, gaar ahaan Twitterka aad looga hadalhayay barnaamij muuqaal ah oo haweenay barnaamij soo jeediye u dhalatay Britain, ay ka diyaarisay magaalada Oslo.

Katie Hopkins oo ah barnaamij diyaaraha muuqaalkan, ayaa ah haweenay caan ku ah islaam iyo soo galooti naceyb. Waxaana horey doodo badan uga dhasheen muuqaalo ay ka diyaarisay muslimiinta UK.

Katie oo hortaagan masaajidka Pakistanka ee xaafada Grønland, kuna dhagan saldhiga weyn ee booliska Oslo, ayaa sheegtay in qeybta bari ee magaalada Oslo ay ka baxday gacanta booliska. Cadaankii degnaana ay ka guureen, una guureen dhinaca galbeed ee magaalada Oslo.

Haweeneydan oo gacanta ku fiiqeyso xaafada Grønland ayaa sheegtay in qeybo kamid ah dhinaca bari ee magaalada Oslo ay hada la wareegeen, oo ka taliyaan kooxo gaangi soomaali ah.

Waxeyna muuqaalkeeda u ekeysiineysaa in Oslo ay tahay magaalo qeybsan, dhinacna ay cadaanka dhaladka ah u guureen, dhinacna ay soo galootigu la wareegeen ayna maamulaan. Iyada oo sheegeyso in gacanta booliska ay kasii bixi rabto qeybta bari ee Oslo.

Twitter: Waa meesha ay ku yaalaan guryaha ugu qaalisan.

Muuqaalka haweeneydan xagjirka garabka fog katirsan, ayaa maalmahan doodiisu ka socotaa barta Twitterka. Waxaana jawaabo badan ka bixiyay dadka degan qeybta bari ee Oslo. Kuwaas oo sheegay in Katie ay sawir qaldan oo cunsuriyad la socoto ay ka bixineyso deegaankooda.

Waxaana Twitterka lagu soo bandhigay in guryaha ugu qaalisan magaalada Oslo, ay ku yaalaan xaafadaha beri, gaar ahaan meesha ay sheegeyso inay la wareegeen ajaaniibtu.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments