Norway: Barafkii oo kusoo noqday meelo badan.

0
168

Dhowrkii maalmood ee ugu danbeeyay waxaa meelo badan oo wadankan Norway ah ka da´ayay baraf, inkasta la dhaafay xiligii barafka ama qaboobaha.

Wadooyinka baabuurtu ay maraan ee gobolada koonfurta iyo bariga Norway, ayaa waxaa yaala baraf xoogan oo da´ay labadii maalmood ee ugu danbeeyay.

Hey´adda saadaasha hawada ee Norway ayaa ka digeyso inuu di´i karo baraf maalmaha soo socdo.

Hey´adda gaadiidka iyo wado-marista ayaa dhankeeda baabuurleyda uga digeyso inay ku socdaan taayarada xiliga kuleylaha ee sommerka. digniintan ayaa khuseyso gobalada Oslo, Akershus, Oppland, Buskerud, Hedmark og Vestfold.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments