Norway: 6000 qof ayaa sanad walba isku daya inay isdilaan.

0
121

Sanad walba waxaa Norway laga diiwaan galiyaa tiro gaareyso ilaa 600 qof, kuwaas oo isdilay ama nafta iska jaray. Waxaana la aaminsanyahay in tiradu ay intaas ka badnaan karto, maadaama kiisas dhimasho oo badan, kuwaas oo loo diiwaan galiyo shil ahaan, ay noqon karaan isdil.

Xoghayaha guud ee golaha caafimaadka maskaxda, Tove Gundersen ayaa sheegtay in la qiyaasayo in tirada dadka is dila ee aan la diiwaangalin ay tirada la ogyahay ka badan karaan 25 boqolkiiba.

6000 ayaa isku daya inay isdilaan:

Isla tirokoobkan ayaa lagu sheegay in sanad walba ilaa 6000 qof ay isku dayaan inay isdilaan Norway gudaheeda.

Guud ahaan ma ogaan karno, mana garan karno meeqa ayaa maskaxda ku haysa inay isdilaan laakiin tan aan ognahay ayaa ah in 6000 oo isku day isdilid ah ay ka dhacaan Norway sannad walba ayey tiri Gundersen.

Dadka ugu badan ee isdila ayaa ah kuwa adeegsada daroogada, ama aadka u caba khamriga. Waxaana kusoo xiga dadka ay ka baxeen(dhinteen) qof aad ugu dhawaan, sida saaxiib ama qof qoyskiisa kamid ah.

Arinta cajiibka ah ayaa ah in dadka ugu badan ee isdila ay yihiin dhalinyaro ka yar 35 sano, walina aan gaarin heerka ay nolosha ku daali lahaayeen.

Xigasho/kilde: Nettavisen

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments