Muqdisho: Masuul katirsan soomaalida Norway oo qarax isku day dil ka badbaaday

0
168
Foto: Facebook/Privat

Madaxa ururka Gargaar iyo Gurmad, Cabdulqaadir Abtidoon Maxamed oo katirsan jaaliyada soomaaliyeed ee dalkan Norway, ayaa xaley qarax isku day dil ah, kaga badbaaday magaalada Muqdisho.

Falkan ayaa ka dhacay xaafada Buulo-Xuubeey ee degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho.

Abtidoon oo aan la xiriirnay ayaa noo sheegay in xaley lala beegsaday qarax loogu xiray baabuurkiisa, lana qarxiyay baabuurka xili uu boorso kala soo baxayay qeybta danbe ee baabuurka. Laakiinse uu ilaahay ka badbaadiyay, hadana uu nabad qabo. Marka laga reebo dhaawacyo fudud oo kasoo gaaray firirka qaraxa.

Qaraxan oo ahaa nooca laga hago remootka, ayay boolisku sheegeen inay usoo qabteen dad la tuhmayo inay ka danbeeyeen. Balse wali wax war ah kama soo saarin, sida uu noo sheegay Abtidoon.

Ururka Gargaar iyo Gurmad ee Cabdulqaadir uu madaxda ka yahay, ayaa ka shaqeeyo taakuleynta agoonta, waxeyna xarumo ku leeyihiin magaalooyin dhowr ah oo Soomaaliya katirsan.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments