FBI-da oo ku dhegan soomaali horey turjubaan ugu ahaan jiray.

0
163

Nin soomaali ah oo horey turjubaan ugu ahaa hay’adda dambi baarista Maraykanka ee FBI-da oo lagu magacaabo Cabdirisaaq Xaaji Raage Weheliye ayaa lagu xiray garoonka Dulles International Airport ee magaalada Washington, xilli uu kasoo dagayay garoonka.

Sida uu tabiyay taleefishinka CBS, Cabdirisaaq ayaa loo heystaa inuu ka been sheegay xiriir uu la sameeyay nin dabogal lagu hayay oo la tuhunsanaa. Kaas oo uu codadkiisa turjumayay Cabdirisaaq, isagoo markaas u shaqeynayay hey´adda FBI-da Maraykanka.

Cabdirisaaq ayaa la sheegay in uu turjumayay codad badan oo taleefoonka ninka laga duubay , balse markii lasoo gaaray cod uu ninkan qudhiisa uu cajalka taleefoonka ugu duubay Cabdirisaaq, ayuu ku sheegay in uu yahay codka qof rag ah oo aanan la garanaynin.

Falkan ayaa dhacay sannadkii 2016-kii, waxaana la sheegay in markii FBI-da ay wax ka weydiisay in uu xiriir la sameeyay ninkii baaritaanka lagu hayay iyo in kale, in uu inkiray, balse dib laga ogaaday in uu xiriir dhex maray.

FBI-da ayaa waxa ay sheegtay in turjumaanka iyo ninka kale uu xiriirkooda isgaarsiineed jiray illaa sannadkii 2010-kii.

Cabdirisaaq ayaase markii dambe qirtay in uu ninka la tuhunsanyahay yaqiinay muddo sannado badan ah.

Ninkan la tuhunsanyahay oo lagu magacaabo Liibaan Xaaji Maxamed ayaa waxa uu ahaa darawal ka shaqeeya tagaasida gobolka Virginia, kaas oo u safray Soomaaliya si uu ugu biiro kooxda Alshabaab.

Waxaa jiray warar sheegayay in sannadkii 2015-kii lagu xiray dalka Soomaaliya, balse uusan halkaas dhaafin.

Cabdirisaaq Xaaji Raage Weheliye ayaa kasoo hormuuqan doona maxkamad ku taala magaalada Alexandria ee gobolka Virginia si uu uga jawaabo dacwadda loo haysto.

Xigasho/kilde: CNN

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments