Bergen: Xisbiga la dagaalanka «Bom-ka» oo ugu weyn magaalada Bergen.

0
85

Codbixin hordhac ah oo la qaaday, ayaa sheegaysa in Dhaq-dhaqaaqa la dagaalanka jidgooyada lacagta ah ee sharciyeysan(Bom), uu helay codadka ugu badan ee laga qaaday dadweynaha magaalada Bergen.

Xisbiga FNB ee dadka taageera dhaq-dhaqaaqan ay ku mideysanyihiin ayaa helay 25,4 codadka laga qaaday magaalada Bergen. Wuxuuna xisbigaas noqon lahaa xisbiga ugu weyn golaha deegaanka magaalada, hadii maanta ay doorasho dhici laheyd.

Magaalooyinka waaweyn ee Norway, ayaa dhawaan waxaa lagu soo kordhiyay jidgooyin(bom) hor leh oo la dhigay wadooyinka waaweyn ee dhexmara magaalooyinka. Waxeyna arintaas caro weyn ku dhalisay dadka baabuurta leh ee sheegay inaysan suurtogal aheyn in baabuur lagu wato magaalooyinka waaweyn, lacagta xaddhaafka ah ee jidgooyooyinka owgeed.

Waxaana bilowday dhaq-dhaqaaq looga soo horjeedo arintaas, iyada oo xisbiyada la dagaalanka jidgooyinka ay sheegeen inay rabaan inay kamid noqdaan golayaasha deegaanka, si ay u qaadaan jidgooyinka.

Magaalada Bergen oo ah magaalada ugu horeyso ee xisbigaas loogu dhawaaqay ayaa hada muujineyso in xisbigaas uu heysto taageero weyn. Iyada oo uuba ka weynaatay xisbiyadii la yaqaanay ee caanka ah.

Arintan ayaa kusoo aadeyso bilo kooban kahor doorashada golayaasha deegaanka Norway.

Xigasho/kilde: BT

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments