Norway: 10-kan kuliyadood ayay ardeyda ugu badan codsateen sanadkan.

0
198
Image by © Royalty-Free/Corbis

15-kii bishii April ee lasoo dhaafay, waxaa ku ekaa xiliga ay ardeydu soo codsan kareen inay boos ka helaan kuliyadaha jaamacadaha iyo machadyare sare ee Norway.

Isku dar 138.742 ardey ayaa sanadkan waxbarasho jaamacadeed ka codsaday 27-ka jaamacadood iyo machad sare ee ka dhisan Norway. Waxeyna tiradaas 3.272 ka yartahay tirada ardeyda jaamacadaha codsaday sanadkii 2018, oo aheyd 142.004 ardey.

Waaxda codsiyada jaamacadaha Norway ee Samordna Opptakk ayaa soo saartay liiska kuliyadaha loogu codsi badnaa sanadkan dhamaan jaamacadaha Norway.

Waxeyna ardeyda ugu badan sanadkan codsadeen 10-kan kuliyadood ee sawirka hoose ka muuqda. Waxaa ugu horeeyo kuliyada qaanuunka ee magaalada Bergen, waxaana kusoo xiga kuliyada Dhaqaalaha ee iskuulka ganacsiga Norway ee NHH oo isla Bergen kuyaal. Waxaana soo sadaxeeyo kuliyada qaanuunka iyo sharciga ee jaamacada Oslo. Linkiga hoose ka akhri warbixinta oo dhan.

Xigasho/kilde: DN.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments