Waxaa lagu caayi jiray iskuulka, hada waxey heshay 1,2 milyan oo magdhow ah.

0
162
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Maxkamada gobolka Hedmark ayaa haweenay labaatameeyo jir ah u xukuntay magdhow dhan 1,2 milyan oo lacagta Norway ah. Haweeneydan ayaa ku dacwootay in lagu caayi jiray, laguna dhibi jiray iskuulada hoose iyo kan dhexe, ayna degmada Ringsaker oo ay ku kortay ay ku guuldareysatay wax ka qabashada arintaas.

Haweeneydan ayaa maxkamad la fuushay degmada Ringsaker, iyada oo dalbatay lacag magdhow ah. Waxeyna ku dacwooday in ceyda iyo dhibaatadii ay dhibanaha u noqotay, ay sababeen dhibaatooyin iyo xanuuno maskaxeed oo nolosheeda saameyn ku yeeshay marka ay weynaatay.

Maxkamada Hedmark ayaa gabadhan u xukuntay in la siiyo lacag dhan 1,2 milyan oo magdhow ah, sidoo kale maxkamada ayaa xukuntay in degmada Ringsaker ay bixiso lacag dhan 410.420 kr oo ah qarashka ku baxay dhageysiga dacwadan.

Maxkamada ayaa qirtay in ceyda gabadhan loogu geysan jiray iskuulada dhexe iyo hoose ay sababeen dhibaatooyin maskaxeed oo qabsaday markii ay soo weynaatay. Waxeyna Degmada Ringsaker ku amartay in lacagta magdhowka ah ay ku bixiso mudo labo isbuuc ah.

Maamulka degmada Ringsaker ayaa dhankooda sheegay inay akhrin doonaan, kana fakari doonaan talaabada xigta.

Xigasho/kilde: VG.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments