Sweden: Soomaali gabar saaxiibtiis ah dilay oo xabsi daa´in lagu xukumay.

0
93
Foto: Aftenbladet.no

Sida ay qoreen warbaahinta Sweden, maxkamad magaalada Gotoberg ee dalka Sweden ayaa xukun xabsi daa’in ku xukuntay nin Soomaali ah oo dilay gabar uu Saaxiib la ahaa. Falkan ayaa dhacay sanadkii hore ee 2018.

Ninkan oo lagu magacaabo Yuusuf Shiiraar Xuseen, da´diisana lagu sheegay 35 jir sano ah ayaa lagu soo eedeeyay inuu dilay gabadhaas, kadib markii ay isku dayday inay goyso xiriirka haasaawe ee ka dhaxeeyay labadooda.

Ninkan ayaa maxkamada ka hor qirtay inuu dilay, uuna dilkeeda u adeegsaday bir uu madaxa iyo qaarka hore kala dhacay.

Meydka gabadha uu ninkan dilay ayaa markii danbe laga helay gurigii ay ku nooleyd, waxaana Boolisku ay sheegeen inuu jirkeeda uu ka muuqday jirdil xoogan oo loo geystay.

Booliska ayaa sheegay in Ninkan uu booliska xiriir lasoo sameeyay, uuna ku wargaliyay falka dilka ah ee uu geystay.

Dalalka Yurub waxaa aad ugu soo badanayo raga soomaalida ah ee dilalka u geysta xaasaskooda. Mareykankan ayaa sanadkan oo qura ah waxaa xaasaskooda dil ugu geystay dhowr nin oo soomaali ah.

Xigasho/kilde: Aftenbladet.no


Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments