Ninka ugu taajirsan Denmark oo sadex kamid ah afartiisa ilmood lagu dilay weerarkii Srilanka.

0
214

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Saddex kamid ah afarta canug ee uu dhalay maalqabeenka u dhashay Denmark ee Anders Holch Povlsen ayaa ku dhintay qaraxyadii Axadii lala beegsaday dalka Sri Lanka, sida uu BBC u xaqiijiyay afhayeen u hadlay bilyaneerkaasi.

Qoyska ninkaasi maalqabeenka ah ayaa xilliga ay qaraxyada dhacayeen booqasho ku joogay dalka Sri Lanka. Magacyada carruurta dhimatay ayaan la shaacin.

Mr Holch Povlsen ayaa leh dukaamada caalamiga ah ee lagu iibiyo dharka ee Bestseller. Waxa uu sidoo kale saamiga ugu weyn ku leeyahay shirka dharka ee Asos, iyadoo wargeyska Times uu sheegay in ninkan uu yahay shakhsiga dhulka u badan ku leh UK.

«Waxaa nasiib darro ah inaan xaqiijinay wararka ku aaddan geerida carruurta,» ayuu yiri afhayeen u hadlay dukaamada Bestseller oo email ugu soo jawaabay BBC. «Waxaan idin ka codsaneynaa inaad ixtiraamtaan qoyska, faahfaahin intaa dheerna idin ma siin karno.» ayuu intaa raaciyay.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments