Fredrikstad: saaxiibtiis walaasheed ayuu xaas ahaan ugu dacwooday, laakiin dhamaantood xabsi ayaa lagu xukumay.

0
223
Illustrasjonsfoto: Glennstangeland/Wikimedia Commons.

Bilowgii bishan, waxaa maxkamada magaalada Fredrikstad ee gobolka Østfold ee dalkan Norway ka bilaabatay dhageysiga dacwad la xiriirta, kiis nin iyo naagtii oo si been abuur ah dad Norway ugu dacwooday.

Dhageysiga kiiska dacwadan ayaa ku saabsaneyd nin iyo saaxiibtiis, kuwaas oo heysta dhalashada dalka Norway. Ninka ayaa haweenay la dhalatay saaxiibtiis ku keenay xaas ahaan, halka haweeneyduna ay guur been abuur ah la sameysatay walaalkeed, si ay Norway ugu dacwoodaan.

Labada qof ee sida been abuurka ah loogu dacwooday Norway, ayaa helay degenaanshaha rasmiga ah ee dalka Norway, kahor inta aysan hey´addaha dowladu ku furin kiiskan, maxkamadana aan lasoo taagin.

90 Maalmood oo xabsi ah:

Maxkamada Fredrikstad ayaa haweeneyda, ninkeeda iyo walaasheed ku xukuntay 90 maalmood oo xabsi ah, halka walaalkeed uusan ku sugneyn Norway, balse ay boolisku dacwad ku oogeen. Ninka la dhashay haweeneyda u dacwootay ayaa xiligan ku sugan dalkiisa hooyo.

Haweeneyda sida been abuurka ah Norway loogu dacwooday ayaa intii ay Norway joogtay ilmo yar, waxaana lagu eedeeyay inay si sharci daro ah NAV ugu qaadatay lacag dhan hal milyan oo lacagta Norway ah.

Arinta kale ee fadeexada ah ee kiiskan la xiriirta ayaa ah in ninka iyo naagta is qabay ay dhaleen ilmo, kadib marka ay labada qof Norway ugu dacwoodeen. Balse ay ilmaha ku qoreen inuu aabe u yatay walaalkeed, oo qofka ay Norway ugu dacwootay.

Maxkamadu ma sheegin Dhalashada labada qof ee kiiskan la xiriirta.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments