torsdag, mars 28, 2024

Ethiopian Airlines: Sida ugu fudud ee aad Muqdisho si sahlan ugu tagi karto

Diyaarada Ethiopian ayaa dhawaan kor u qaaday tirada duulimaadyada ay ku tagto magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya, iyada oo diyaaradu ay isbuucii todobo jeer ka baxdo Adiss ababa ayna tagto Muqdisho. Sidoo kalena ay isbuucii lix jeer ka baxdo magaalada Oslo.

Ethiopia ayaa sidoo kale dhawaan casriyeyn iyo balaarin ku sameysay garoonka diyaaradaha Bole internasjonal, waxaana lagu soo kordhiyay qeyb cusub oo sadex jibaar kor u qaadeyso awooda shaqo ee garoonka. Waxaana lagu wadaa in sanadkii uu marti galin doonaa ilaa 22 milyan oo dad safar ah.

Bole ayaa garoonka diyaaradaha ee Dubai kala wareegay garoonka ugu weyn ee isku xira dadka ka yimaada caalamka, rabana inay u safraan wadamada kale ee qaarada Afrika. Waxaa sidoo kale garoonka lagu soo kordhiyay hotel casri ah, Ethiopian Skylight Hotel, kaas oo macaamiisha raba inay Adiss ababa ku dhaxaan ay ku nagaan karaan.

Maxey u dhigantahay macaamiisha soomaalida ah:

Arintan ayaa dhimeyso ciriirga iyo safafka sugitaanka garoonka gudihiisa, waxeyna mar kale macaamiisha soomaalida ah u fududeyneysaa inay si sahlan ugu sii gudbaan Muqdisho, Hargeysa ama qeybhaha kale ee Soomaaliya. Sidoo kalena waxey sahleysaa nashada waqtiga sugitaanka.

Qofkii raba inuu Adiss ababa sii joogo maalmo:

Shirkada diyaaradaha Ethiopian Airlines ayaa macaamiisheeda ogeysiineyso in qofkii rabo inuu kusii hagado Adiss ababa, ama booqdo qaraabo iyo asxaab ku sugan halkaas, ay diyaaradu siineyso fursad uu qofku halkaas ku joogi karo(sii socod ama soo socod labadaba). Iyada oo aysan waxba iska badalin qiimaha tigidka.

Wixii faah-faahin ah ee arintan ku saabsan ama guud ahaan shirkada, kala xiriir:

Tlf: 22 06 44 01 

Booqo: Ethiopianairlines.com

Xafiiskooda: Øvre Slottsgate 6, 0157 Oslo

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x