Wasiirka cadaalada ee kumeel gaarka ah: wasiirkii afaraad hal sano gudaheed.

0
148
Foto: Twitter

Wasiirka cadaalada iyo Amniga Norway, Tor Mikkel Wara ayaa saacad kahor sheegay inuu fasax ka qaadan doono shaqada wasiirnimo. Kadib markii haweeneyda u dhaxdo ay maanta xabsiga dhigeen boolisku, ayna kusoo eedeeyeen danbiyo ay ciqaab xabsiyeed ku mudan karto.

Reysulwasaaraha Norway Erna Solberg ayaa sheegtay inay dareensantahay culeyska ay wasiirka ku reebtay arintan, ay ka aqbashay codsiga uu ku weydiistay fasaxa, si uu uga warqabo qoyskiisa.

Wasiir kumeel gaar ah:

Erna Solberg ayaa maanta shir jaraa´id ku sheegtay inay shaqada wasiirka cadaalada iyo amniga uu si kumeel gaar ah usii caban doono, Jon Georg Dale oo hada ah wasiirka beeraha.

Jon Georg Dale ayaa sida saaxiibkiis maanta fasaxa qaatay katirsan xisbiga Frp. Wuxuuna noqon doonaa wasiirkii afaraad oo xisbiga Frp katirsan oo ay wasaarada cadaaladu yeelato mudo hal sano gudaheed ah.

Wasiiradii hore ee cadaalada, Sylvi Listhaug ayaa sanadkii hore xiligan oo kale lagu qasbay inay iska casisho xilka wasiirnimo, kadib markii lagu qabsaday qoraal ay soo dhigtay barteeda Facebooga.

Waxaana Listhaug si kumeel gaar ah u badalay wasiirkii kaluumeysiga ee xiligaas, Per Sandberg oo isna bilo kadib lagu qasbay inuu iska casilo xilka wasiirka kaluumeysiga. Kadib markii ay kusoo baxday fadeexad.

Waxaana Per Sandberg badalay Tor Mikkel Wara oo maanta shaqada wasiirnimo ka qaatay fasax, kadib markii xabsiga la dhigo haweeneyda u dhaxdo.

Erna Solberg ayaa beri ku dhawaaqi doonto in Jon Georg Dale uu shaqada wasiirka cadaalada si kumeel gaar ah usii Heyn doono.

Wali ma cada in Solberg ay si toos ah uga qaadi doonto Tor Mikkel Wara, iyo inuu kusoo noqon doono shaqada wasiirnimo.

Wasaarad soo galootiga u muhiim ah:

Wasaarada cadaalada iyo amniga ayaa kamid ah wasaaradaha ugu muhiimsan Norway. Waxaana tan iyo markii ay xukunka qabsatay Erna Solberg sanadkii 2013 maamulayay xisbiga Frp.

Wasaarada cadaalada ayaa shaqo ahaan qaabilsan fulinta siyaasada arimaha qoxootiga iyo soo galootiga. Waxaana hoos imaado oo ay maamushaa hey´addaha UDI, UNE iyo landinfo.

Xigasho/kilde: ABC-NYHETER

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments