USA: Trump oo ugu danbeyn danbi lagu waayay

0
218

Natiijada baaritaankii uu danbi baaraha gaarka ahaa ee Robert Mueller ku sameeyey faro-gelintii Ruushka ee doorashadii Mareykanka ee 2016 ayaa lagu dhawaaqay, waxayna noqotay natiijo farxad u ah madaxweyne Donald Trump.

Robert Mueller ayaa shaaca ka qaaday inuusan helin wax caddeyn ah oo muujinaya in madaxweynaha ama qof ka mid ah kaaliyayaashiisa ay Ruushka kala shaqeeyeen faro-gelinta dooraashada.

Warbixinta Mueller oo goor-dhow uu shaaciyey xeer-ilaaliyaha guud ee Mareykanka William Barr ayaa sidoo kale lagu sheegay in kooxda Mueller aysan caddeymo ku filan u helin in madaxweynaha uu is-hortaag ku sameeyey caddaaladda, hase yeeshee sidoo kale aysan sheegi karin in madaxweynaha uusan dambi gelin.

“Inkasta oo warbixinta aysan go’aamin in madaxweynaha uu dambi galay, sidoo kale kama aysan masaxin” ayuu yiri Barr oo soo xiganaya Mueller.

Go’aan ka gaarista in madaxweynaha uu cadaaladda is-hortaag ku sameeyey iyo in kale ayaa waxaa Mueller uu dhaafay xeer-ilaaliyaha guud, kaasi oo sheegay inaysan jirin caddeymo ku filan oo madaxweynaha loogu eedeyn karo cadaalad is-hortaag.

Barr ayaa congress-ka u gudbiyey nuxurka warbixinta, hase yeeshee xubnaha dimoqraadiga ayaa dalbanaya in lasii daayo warbixinta oo dhameystiran, waxayna sheegeen inaysan ka hari doonin illaa la isla gaaro maxkamadda sare.

Natiijadan ayaa waxaa si aad ah usoo dhoweeyey taageerayaasha Trump iyo xubnaha xisbiga Jamhuuriga, waxayna niyadjab ku tahay xubnaha dimoqraadiga oo laba sano ku doodayey in Trump uu xiriir hoose la lahaa Ruushka.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments