USA: Nin Soomaali ah oo loo qabtay dilka xaaskiisa.

0
127

Booliska gobolka Arkansas ee dalka Mareykanka ayaa nin Soomaali ah xabsiga dhigay, kaddib markii uu dilay xaaskiisa, sida lagu shaaciyay wargayska WFIE.

Booliska ayaa sheegay in Maxamuud Cabdiqaadir, oo 21 jir ah ay qabteen maalintii Sabtida ahayd. Ka dib markii ay su’aalo weydiiyeen ayuu Cabdiqaadir ku jawaabay in xaaskiisa laga yaabo inay tahay mayd ayna taalo gurigooda.

Booliska magaalada Henderson ayaa tagay guriga qoyskan ay daganaayeen oo ku yaalla magaalada Kentucky, waxa ayna heleen maydka xaaskiisa oo ku jira qaanad gudaheeda.

Cabdiqaadir ayaa lagu riday xukun ka dib markii lagu helay caddaymo ku saabsan inuu gabadha soo gaarsiiyey dhaawacyo.

Ninkan ayaa waxa uu daryeelayay ilama 9 bilood jir ah xilligii xabsiga loo taxaabayey. Ilmaha ayaa hadda waxa gacanta ku haya hey´adda arrimaha daryeelka carruurta ee Arkansas.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments