Shirkada tareemada Norway oo sumada ganacsi iyo midabkaba badalatay.

0
149

Shirkada tareemada Norway ee NSB ayaa badalatay magaca iyo sumadii horey loogu yaqaanay, iyada oo qaadatay magacan cusub ee Vy, badasheyna midabka tareemada.

Vy oo ah magaca cusub ee NSB-dii hore ayaa sidoo kale mideysay shirkadaha tareemada iyo tan busska ee Nett Buss-ka. Wuxuuna magacan cusub ee Vy noqon doonaa magaca kulmiya labada shirkadood, NSB oo tareemada ah iyo Nettbuss oo busaska ah.

Qaadashada magacan cusub ee shirkada Tareemada ayaa ilaa shaley aheyd arinta loogu hadal heynta badanyahay baraha bulshada Norway, iyada oo kumanaan qof ay dareen xoogan ka muujiyeen badalista magacii ay dadku la qabsadeen ee NSB.

Shirkada tareemada ayaa badalista magacan iyo suuq geyntiisa waxaa ugu kici doono qiimo lacageed oo dhan 280 milyan oo kr. Arintaas oo dad badan ku dhalisay caro ku aadan adeegsida lacag intaas le´eg, taas oo lagu bixiyay curinta magac aysan dadku jecleyn.

Madaxda shirkada tareemada ayaa dhankooda sheegay inay mudo qaadan doonto laqabsiga magacan cusub, waxeyna sheegeen inay fahansanyihiin dareenka bulshada ee ku aadan arintan.

Xigasho/kilde: NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments