Norway oo hawadeeda ka mamnuucday diyaarada Boeing 737 MAX 8

0
122

Waaxda duuliasta ee dowlada Norway ayaa mamnuucday adeegsiga diyaarada Boeing 737 Max 8 ee gudaha dalkan Norway.

Go´aan ayaa yimid kadib markii diyaarad noocan ah oo ay leedahay shirkada Ethiopian Airlines ay ku burburtay gudaha Ethiopia, daqiiqado markii ay hawada gashay. Waxaana shilkaas ku nafwaayay 157 qof oo ay kujiraan dhowr qof oo soomaali ah.

Waa shilkii labaad oo qasaare nafeed geesta wax ka yar shan bil oo diyaarad nooceedu yahay  Boeing ka dhasha.

Norway ayaa ku biireysa liiska wadamada hawadooda horey uga mamnuucay diyaarada. Horey waxaa diyaarada u mamnuucay wadamada Canada, U.K, Midowga Yurub, Malaysia, Singapore, Shiinaha iyo Australia.

Shirkada Norwegian ayaa shaley soo saartay go´aan ay ilaa amar danbe ku joojineyso adeegsiga diyaaradan, waxeyna soo xareysay ilaa toboneeyo diyaaradood oo noocan ah.





Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments