Norway: Madaxa Nav ayaa ka mushaar badan reysulwasaaraha

0
98

Madaxa hey´adda NAV Sigrun Vågeng ayaa xog uruurin la sameeyay lagu ogaaday inay tahay qofka ugu mushaarka badan madaxda ka shaqeysa xafiisyada dowlada Norway.

Sigrun Vågend ayaa sanadkii qaadatata mushaar dhan 1.900.000 Nok, waxuuna mushaarkeedu 219.000 Nok ka badanyahay mushaarka Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg.

Reysulwasaare Solberg ayaa sanadkii mushaar ahaan u qaadata 1.680.277 nok, waxaana baaritaan la sameeyay lagu ogaaday inay jiraan 14 qof oo ka shaqeeyo xafiisyada dowlada Norway, kana mushaar badan Erna Solberg.

Waa kuwan magacyada iyo jagooyinka 14-ka qof ee u shaqeeyo dowlada, kana mushaar badan Erna Solberg. J

  • Agaasimaha NAV Sigrun Vågeng kr 1 900 000
  • Xogahayaha xukuumadda Anne N. Lyftingsmo kr 1 850 800
  • A.W/waddooyinka Terje Moe Gustavsen kr 1 830 700
  • Xoghayaha Dhaqaalaha Hans Henrik Scheel kr 1 830 000
  • Madaxa canshuuraha Christian Holte kr 1 800 000
  • Hormuud Gunnar Bovim kr 1 771 500
  • Xeer ilaaliye guud Fredrik Sejersted kr 1 746 257
  • Garyaqaanka guud Busch, Tor Aksel kr 1 731 400
  • Xoghaye wasaaradeed Strømmen, Wegger kr 1 730 000
  • Xoghaye wasaaradeed Heggenes, Heidi kr 1 720 000
  • Agaasime guud Amund Holmsen kr 1 705 000
  • Madaxa Sirdoonka Benedicte Bjørnland kr 1 700 000.

Xigasho/kilde: Nettavisen.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments