Norway: Leysinka baabuur wadista oo digital laga dhigi doono.

0
93
Wasiirka wado Marista Norway, Jon Georg Dale Foto: Tor Livius Midtbø / Samferdselsdepartementet

Hadii adiga oo baabuur wata, ay maanta boolisku ku weydiiyaan kaarka leysinka baabuur wadista, aadana markaas wadan, waxaad ku muteysan kartaa ganaax lacageed oo 500 kr gaaraya.

Wasaarada gaadiidka Norway ayaa dhawaan sheegtay inay bilaabi doonaan qaab digital ah oo qofka aan markaas wadan, uu ku muujin karo heysashada ogolaanshaha baabuur wadista. Taas ayaa ka dhigan in qofka baabuurka wata uusan mar walba ku qasbaneyn inuu wato kaarka leysinka baabuurka.

Wasaarada ayaa sheegtay in wali ay lagama maarmaan tahay in qofku uu wato kaarka leysinka, laakiin xaaladaha qaar uu adeegsan karo kan digitalka ah oo ay dhawaan bilaabi doonaan.

Leysinka digitalka ah ayaa noqon doono mid uu qofka kula soo dagi karo moobilkiisa, sida uu sheegay wasiirka gaadiidka iyo wadooyinka Norway, Jon Georg Dale.

Wasiirka ayaa sidoo kale sheegay in wali qofka la siin doono kaarka leysinka baabuurka, marka uu ku baaso imtixaanka baabuur wadista ama uu rabo inuu cusbooneysiiyo leysinka. Laakiin ay leysinka digitalka ah usoo rogeen, si loo fududeeyo nolosha dadka baabuurleyda ah.

Xigasho/kilde: TV2.NO

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments