Mareykanka: Soomaalida oo lagu waayay eedeyn ah inay dhaceen 100 milyon $.

0
97

Gudi uu baarlamaanka gobolka Minnesota u saaray eedeymo qaar ka mid ah warbaahinta Maraykanka ay u jeedisay Soomaalida ku dhaqan dalkaas ayaa noqday kuwo aan ku taagneyn sal adag.

Soomaalida Minnesota ayaa lagu eedeeyay inay dowladda ka lunsadeen lacag dhan $100 milyan oo doolar, kadibna lacagahaas lagu maalgaliyay kooxaga argagaxisada ah, sida Alshabaab. Waxaana hada eedeyntaas loo waayay wax cadeyn oo muujineyso jiritaankeeda.

Taleefishinka FOX News ayaa sanado ka hor tabiyay in Soomaalida leh xarumaha lagu xanaaneeyo ubadka iyo dadka waayeelka ah ay lunsadeen lacag dhan $100 milyan oo doolar, kadibna lacagtaas loo diray kooxaha argagixisada sida Alshabaab. 

Mahad Xassan oo ka tirsan dadka u dhaqdhaqaaqa arrimaha Soomaalida ayaa warbaahinta u sheegay:

«Waxaa soo baxday in Soomaalida aysan lacag argagixiso u dirin, in lacagta boqol milyan ay ahayd been abuur, waxaa kale oo jirta in wax siyaasiyiin ah oo dhankaas naga caawiyay uusan jirin» ayuu yiri Mahad.

Warbixinta oo ka koobnayd 69 bog oo baarlamaanka la horkeenay ayaa dhanka kale lagu sheegay in ay maqantahay lacag dhan 6 milyan oo doolar, hase yeeshee Mahad waxa uu sheegayaa in lacagtaas aysan Soomaali oo kaliya ku maqnayn. 

Seynab Cabdullaahi Xaashi waxa ay ka mid tahay dadka leh xarumaha la eedeeyay midkood, waxayna sheegtay in xisbiga Jamhuuriga uu qorshahooda ahaa in ay doorashada ku galaan warbixintan . 

Jaaliyadda Soomaalida ee Maraykanka ayaa aad uga banaanbaxay warbixinta, waxayna ku tilmaameen in ujeedka yahay in Soomaalida iyo dadka madoow la cunsuriyeeyo.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments