Ilhaan Cumar: Obama wuxuu ahaa gacan ku dhiigle aftahan ah.

0
106

Xildhibaanadda asalkeedu soomaalida yahay, kana soo gasha gobolka Minnesota ee Ilhaan Cumar ayaa si adag u weerartay madaxweynihi hore ee dalka Mareykanka, Baraak Obama xili wareysi ay la yeelatay wargeysku Poletico cadadkiisi Jimcihii shaley aheyd soo baxay.

Ilhaan oo ah Waxayna Ilhaan sheegtay «Madaxweynaha Obama muddadi uu madaxweyne ka soo ahaa dalka Mareykanka barnaamijyadiisa siyaasadidihiisa uu dalka ku hagayey iyo isbaddallada uu sheegayey inuu dalka ku keenayo ay ahaayeen khiyaali aan waxba ka jirin.»

Waxayna carabka ku dhufatay inuu isagu lahaa dardar gelinta carruurta yar yar in waaliddiintooda lagaga reebo xadka Mexico, iyo in waddamo badan oo caalamka ka mid ah in dagaal lagu qaado, iyada oo sheegtay inuu wax farqi ah u dhaxeyn madaxweyne Obama iyo Madaweyne Trump.

«Ma aha inaan ka cadhoonno Trump oo keli ah Obaamana siyaasaddiisu waxba kama duwaneyn tan Trump» ayey tiri Ilhaan.

«Siyaasadihiisu waxay ahaayeen kuwa aad u xun, laakiin dadki xilka isaga kaga dambeeyeyna waxay iyaguna dajisteen istiraatijiyad siyaasadeed oo la mid ah siyaasaddi Barak Obama.

Hadalada Ilhaan ee ka dhanka ah Obama ayaa kusoo aaday xili ay weerar culus ku hayeen xildhibaanada midigta ee xisbiga republikanka, kuwaas oo Ilhaan ku eedeynayay inay necebtahay qowmiyada Yuhuuda. Iyaga oo tusaale usoo qaadanaya qoraal ay sanado kahor Ilhaam ku qortay barta Twitterka.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI




Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments