Xisbiga Ap oo sanadkan labo dhalinyaro soomaali ah usoo sharaxay doorashada deegaanka.

0
160
Fawzi Cabdirashiid Warsame iyo Kaafiya Haaruun Xaashi.

Waxaa isbuuc kahor soo baxay liiska hordhaca ah ee gudiga soo xulitaanka musharaxiinta ee xisbiga shaqaalaha(Ap), qeybtiisa Oslo ay sanadkan usoo xuleen dooorashada deegaanka Oslo. Waxaana liiskan kasoo muuqday sadex qof oo soomaali ah, laba kamid ahna ay yihiin dhalinyaro.

Fawzi Cabdirashiid Warsame iyo Kaafiya Haaruun Xaashi oo labaduba xilal kala duwan kasoo qabtay ururka dhalinyarada xisbiga shaqaalaha ee AUF, ayaa sanadkan kamid ah musharaxiinta tartanka u gali doono kamid noqoshada golaha deegaanka Oslo.

Fawzi oo sanadkii 2017 katirsanaa liiska musharaxiinta baarlamaanka xisbiga Ap ee Oslo ayaa sanadkan kujira booska 45-aad ee liiska hordhaca ah ee soo baxay, halka Kaafiyana ay kujirto booska 52-aad. Sidoo kale booska 60-aad ee liiskan waxaa kujirto Ubax Cabdulaahi Aadan oo horey mar uga mid noqotay golaha deegaanka Oslo.

Labada xildhibaan ee soomaalida ah ee hada kujiro golaha deegaanka Oslo, Baashe Muuse iyo Faatima Cali Madar ayaan labaduba kamid aheyn liiska cusub ee soo baxay. Waxaase xusid mudan in liiskan uu yahay mid hordhac ah, isbadalna uu ku imaan karo.

Fawzi iyo Kaafiya ayaa jaanis fiican u leh inay iyaga oo wali dhalinyaro ah sanadkan ay kamid noqdaan golaha deegaanka Oslo, inkasta oo labuduba ay kujiraan boosas danbe oo liiska hordhaca ah. Waxeyna u baahnaan doonaan codad shaqsiyeed tiro badan, si ay uga kormaraan shaqsiyaadka kale ee ku jiro boosaska ka horeeyo.

Sidoo kale xisbiga SV oo kamid ah xisbiyada ku xoogan Oslo ayaa dhankooda soo sharaxay nin lagu magacaabo Cabdiraxmaan Siciid.

Doorashada goloyaasha deegaanka Norway ayaa dhici doonto bisha September ee sanadkan 2019.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments