Poland oo u jawaabtay Norway, dalkeedana ka ceyrisay diblomaasi Norwiiji ah.

0
82

Wasaarada arimaha dibadda dalkan Norway ayaa shaley ku dhawaaqday in qunsul katirsan safaarada Poland ee Norway uu yahay mid aan laga rabin Norway, uusana kasii shaqeyn karin. Qunsulkan ayaa safaarada Poland u qaabilsanaa caawinta qoysaska u dhashay dalkaas ee ay kiisasku kala dhaxeeyaan hey´adda xanaanada caruurta Norway ee barnevernka.

Qunsulkan ayaa waxaa dacwad ka gudbiyay shaqaale katirsan hey´adda xanaanada caruurta Norway, kuwaas oo ku eedeeyay inay ka qabsan waayeen shaqadooda dhowr mar. Iyada oo sidoo kale laga gudbiyay dacwad la xiriirta amar diido uu ku sameeyay booliska iyo hey´adda xanaanada caruurta ee barnevernka.

Poland oo Norway u jawaabtay:

Poland ayaa iyadna dhankeeda dalkeeda ka ceyrisay diblomaasi u dhashay Norway oo katirsanaa safaarada Norway ee Poland. Arintaas oo loo arkay inay jawaab u tahay ceyrinta Norway ee qunsulka Polishka ah.

Diblomaasiga Norwiijiga ah ee Poland laga ceyriyay ayaa ka shaqeyn jiray howlo la xiriira wada tashiyada dhanka safaarada. Waxaana shaley galabtii lagu amray inuu dalkaas isaga baxo, saacado kadib marka ay Norway dalkeeda ka ceyrisay qunsulka Polishka.

Arintan ayaa soo jiidatay indhaha caalamka, iyada oo warbaahinta caalamka oo dhan ay ka qoreyso arintan soo kala dhex gashay wadamada Norway iyo Poland.

Xigasho/kilde: Aftenposten.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments