Norway oo heshiis dib u celin ah la gashay Ethiopia

0
263
Wasiirka cadaalada Norway: Tor M. Wara Foto: First House

Sida uu sheegay wasiirka cadaalada Norway, Tor Mikkel Wara, dowlada Norway ayaa heshiis dib u celin ah heshiis la gashay dowlada Ethiopia. Heshiiskaas oo hada sahli doono in dowlada Norway ay dalkoodii ku celiso ilaa 230 qof oo Ethiopia kasoo jeedo, kuwaas oo diidmo ka heysta codsiyada magangalyada.

Wasiirka cadaalada Norway ayaa sheegay in dadka kasoo jeedo Ethiopia ay yihiin dadka ugu badan ee kujira kaamamka qoxootiga Norway, iyaga oo diidmo ka heysto sharciyo magangalyo. Heshiiskana uu suurtal ka dhigi doono in dadkaas ay Norway dalkoodii ku celiso.

Wasiirka ayaa sheegay in xaalada isbadal ee ka dhacay dalka Ethiopia, gaar ahaan dhinaca siyaasada uu yahay kan ugu gogol xaarey heshiiskan. Isaga oo raaciyay in hadii ay xaaladu sii fiicnaato ay yaraan doonto baahida magangalyo ee dadka wadankaas kasoo jeedo.

EU-da oo heshiis horey ula gashay Ethiopia:

Midowga Yurub ayaa sanadkii hore dowlada Norway la galay heshiis dib u celin, kaas oo dhaqan-galkiisu uu bilowday bilowgii sanadkan. Wasiirka cadaalada Norway ayaa sheegay in dhaqan ahaan ay Norway inta badan raacdo heshiisyada ay gasho EU-da.

Xigasho/kilde: abc-nyheter, NRK

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments