Maxey ku dhamaatay cod qaadistii baarlamaanka ee waqti u sameynta kala noqoshada dhalashada

0
69
foto: Stortinget.no

Baarlamaanka Norway ayaa maalintii shaley aheyd codka u qaaday soo jeedin ka timid xisbiyada SV, Rødt iyo MDG, taas oo ku saabsaneyd in waqti xadidan xiliga qofka ay dowlada Norway ka ceshan karto dhalashada Norwiijiga.

Xisbiyadan ayaa doodooda ku saleeyay in qofka soo galootiga ah uu helo xasilooni iyo degenaansho uu ku qabo kamid ahaanshihiisa bulshada wadanka, aysana jirin cabsi mar walba hortaagan oo ah in maalin uu lagala noqon karo dhalashada wadanka.

Ap oo kasoo horjeestay:

Dood dheer kadib xubnaha baarlamaanka ayaa codka u qaaday soo jeedintan, iyada oo xubnaha xisbiyada SV, Rødt iyo MDG ay isku dayeen inay xubnaha kale ka dhaadhicaan muhiimada soo jeedintan iyo sida ay saameynta ugu leeyahay bulshada soo galootiga ah.

Xubnaha baarlamaanka ee Xisbiyada SV, Rødt, MDG iyo Sp ayaa soo jeedintan u codeeyay. Halka xubnaha baarlamaanka ee xisbiyada Ap, Høyre, Frp, Venstre iyo Krf ay kasoo horjeesteen.

Xisbiyada Krf iyo Venstre oo xisbiyada ay xukuumada ku wada jiraan ee Høyre iyo Frp dhawaan la saxiixday heshiis ayaa loo arkayay inay ku qasbanyihiin kasoo horjeesiga soo jeedintan, maadaama ay heshiis galeen. Laakiin arintan yaabka noqotay ayaa ah in xisbiga Ap oo kamid ah xisbiyada mucaaradka, codadka ugu badana ay siiyaan soo galootigu uu kasoo horjeestay.

Waxaana halkaas ku burburay mooshinka soo jeedinta ay xisbiyadan soo wadeen mudo, inkasta oo ay xubnaha soo jeediyay sheegeen inaysan halkaas uga hari doonin. Ayna sii wadi doonaan doodooda ku saabsan.

Xigasho/kilde: Stortinget.no

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments