torsdag, april 18, 2024

Labo wiil soomaali ah oo walaalo oo boolisku ay ku eedeeyeen fal isku day dil.

Xaafada Grønland ee magaalada Oslo, waxaa habeenkii Talaadada aheyd toori lagu dhaawacay wiil dhalinyaro 19 sano jir ah. Iyada oo boolisku ay sheegeen in falkaas ay usoo qabteen labo wiil oo dhalinyaro ah.

Sida uu wargeyska Aftenposen u xaqiijiyay Ingvild Myrold oo ah qareenka Booliska, labada wiil ee falkaas loo qabtay ayaa ah walaalo isla dhashay, waxeyna boolisku ku eedeeyeen danbi isku day dil ah.

19-jirka dhaawaca loo geystay oo mindi dhowr mar la galiyay ayay hada boolisku sheegeen in xaaladiisa ay tahay mid kasoo fiic-naaneyso, uuna ka baxay xaaladii khatarta aheyd.

Labada wiil ee walaalaha ah ayaa midkood uu iska fogeeyay danbiga lagu soo eedeeyay ee ah isku dilka ah, halka kan kalena uu diiday inuu sharaxaad bixiyo, sida ay boolisku sheegeen.

Horey ayaa fal kale oo isku day dil ah loogu eedeeyay :

Sida uu qoray wargeyska Aftenposten oo soo xiganayo booliska, labadan wiil ee walaalaha ayaa sidoo kale horey loogu eedeeyay fal kale oo isku dil ah, kaas oo mindi loo adeegsaday. Wuxuuna falkaas dhacay bishii Desember ee sanadkii 2017.

17-jirka ayaa sidoo kale maxkamad lasoo hor istaajin doonaa bishan Februar, isaga oo ku eedeysan danbi kale oo ah dhac.

Sida ay NorSom News kasoo xigayay ilo xog ogaal ah, labada wiil ee loo qabtay falkan, hadana ay boolisku soo eedeeyaan ayaa labaduba asal ahaan ah soomaali.

Xigasho/kilde: TV2, Aftenposten.no

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x